Madaxweynaha HirShabelle oo kulan sanadle uga qayb-galay degaanka Ceeloow

0

WARSHEEKH (SMN) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta deegaanka Ceeloow ee degmada Warsheekh kaga qeyb galay kulan-sanadeed uu halkaasi ku qabtay Xildhibaan Cusmaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole).

 

Kulanka ayaa waxaa ka qey bgalay Xildhibaano heer federaal, Xubno Isugu jira labada gole ee dowlad goboleedka Hirshabeelle, Siyaasiyiin, Duubabka dhaqanka, qeybaha bulshada iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo si diirran loogu soo dhoweeyay deegaanka Ceeloow ayaa mid mid u gacan qaaday mas’uuliyiinta iyo dhaqanka ka qeyb galay kulan sanadeedka oo sanad walba bishaan oo kale ka qabsooma deegaankaan, iyadoo ay ku duceystaan bulshada halkaasi ku dhaqan iyo siyaasiyiintooda.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan sannadkan joogo kulan-sannadeedka deegaanka Ceeloow oo Soomaali oo dhan ay joogto, ducada halkan lagu duceysto waxaan rajeynayaa inuu Alle ku badbaadiyo kuna xifdiyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa ugu baaqay bulshada Hirshabeelle in ay dhowraan midnimada iyo wadajirka bulshada sidoo kalana ay ka shaqeeyaan horumarka deegaannadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here