Madaxweynaha HirShabelle oo soo dhaweyn loogu sameeyay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaarrada Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XJFS Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan ayaa xalay casho-sharaf ku maamuusay dhinacyada Dowladda Federal-ka iyo Hirshabeelle ee ka qeybgalay shirarkii xasilinta ee labadii maalin ee ugu dambeeyay ka dhacay magaalada Muqdisho kaas lagu eegayay barnaamijyada xasilinta ee Hirshabeelle.

 

Casho-sharafta lagu maamusay wafdiga waxaa goobjoog ahaa Ra’iisulwasaare ku-xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) xubno ka kala tirsan Golaha Wasiirrada Federalka iyo Hirshabeelle iyo marti sharaf kale.

“Waa maamuus weyn, waan ka mahadcelinayaa wada-shaqeynta Dowladda Federalka iyo kulanka caawa ee uu sababteeda lahaa Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XJFS.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sheegay inta goobta ku sugan oo ugu horreeyo Ra’iisulwasaare ku-xigeenka inay ugu casuuman yihiin magaalada Jowhar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here