Madaxweynaha JF oo qaabilay ku xigeenka xoghayaha guud ee QM

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka tirsan Qaramada Midoobey oo ay hoggaamineysay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Marwo Aamina Jane Maxamed.

Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka wadahadlay arrimaha horumarinta bulshada (SDG), xoojinta xiriirka wada shaqeyneed  ee Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya, dhammeystirka doorashooyinka dalka, awoodsiinta siyaasadeed ee haweenka iyo sidii loo dardargelin lahaa howlaha hortebinta u leh Shacabka Soomaaliyeed.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka mid ah dalal dhowr ah oo ka tirsan Gobolka oo ay socdaal ku marayso Kuxigeenka Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa waxa ay ku bogaadisay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed horumarka ay ka xaqiijiyeen dhinacyada dib u dhiska ciidamada,  amniga, hannaanka dayn cafinta, koboca dhaqaalaha, la dagaallanka  Musuq-maasaqa iyo la tacaalidda cudurka saf mar ah ee COVID-19.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Aamina Jane Maxamed sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo hirgelinta xeerarka aas-aaska u ah dowlad wanaagga, waxa uuna uga mahadceliyey Qaramada Midoobay taageerada ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka waxa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Xasan Macallin Khaliif iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka Mudane Cabdi Cali Raage, dhanka kale waxaa goob-joog ka ahaa Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Mudane James Swan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here