Madaxweynaha JFS oo farriin diray kadib tallaabadii ay shalay qaaday DF

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay munaasabad lagu soo dhaweynayey Markabka ORUC REIS oo baaris ku sameynaya shidaalka dalkeenna ayaa xusay rajada ay leedahay Soomaaliya oo ka faa’iidaysata khayraadkeeda.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in tallaabadani ay tahay mid taariikhi ah oo horseedi doonta horumar dhaqaale iyo shaqo abuur ballaaran. Isagoo soo bandhigay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay si wanaagsan uga faa’iideysato kheyraadka dabiiciga ah ee dalku leeyahay, iyada oo ilaalinaysa danta guud iyo maslaxadda shacabka.

Munaasabaddan oo ay ka soo qeybgaleen masuuliyiin ka tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu u mahadceliyey Madaweynaha Turkiga Mudan Rajab Dayib Ordogan iyo shacabka dalkaas oo si walaalnimo ah u garab istaagay dowlad-dhiska iyo horumarinta Soomaaliya.

“Anigoo ku hadlaya magaca Umadda Soomaalyeed waxaan u mahadcelinayaa shacabka, Dowladda Turkiga iyo hoggaankeeda Mudane Rajab Dayib Ordogan oo markasta oo aad istiraahdid Soomaaliya waa laga sii jeestay dib u xasuusiya caalamka. Maanta mar kale ayaad qaadateen go’aan ku saabsan xoojinta horumarka, dhaqaalaha iyo awoodda Soomaaliya”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here