Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay kulan ay yeesheen xubnaha golaha wadatashiga

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulan ay xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka ku yeesheen hoyga Ra’iisulwasaaraha XFS mudane Xamae Cabdi Barre oo qado sharaf ku maamuusay xubnaha Golaha.

 

Kulanka waxaa goobjoog ahaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ku xigeenkiisa, duqa magaalada Muqdisho, madaxweynayaasha HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Inkastoo shirka uu isaga baxay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, haddana golaha ayaa la filayaa inuu soo saaro go’aanno iyo war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha ay ku wada heshiiyeen inta uu socday wada-hadalkooda.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here