MW Xasan oo ka qayb-galay xuska sanad guurada 81-aad ee aas aaska Booliska

0

MUQDISHO (SMN) – Munaasabadda xusuka sanad guurada 81-aad ee aas aaska ciidanka Boliiska Soomaaliyad ayaa maanta lagu qabtay xarunta Janaraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

 

Xafladda oo si heer sare loo soso Agaaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud,wasiirro xildhibano katirsan labada Aqal ,sarkiisha ciidanka.Boliiska Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo munaasabada ka hadlay ayaa yiri “Waxaan qornay buug aan ku uruurinay taariikhda Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo kasoo bilaabaneysa 81-sano ka hor.”

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hamblayo u diray dhammaan saraakiisha sarakiil xigenka iyo guud ahaan ciidanka Boliiska Soomaaliyeed,isagoo sheegay in dowladda ay ka go’antahay in dalka ay ka qabato doorasho qof iyo cod

“56 sano kadib dalka doorasho way ka dhaceysaa ,Ciidanka Booliisku ha isku diyaariyaano nabad gelyada muwaadiniinta codbixiyaasha ah.”Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri “Meel loo noqonayo ma jirto dalkaan dowlad ayuu leeyahay ma ogolin in arrimaha Soomaaliya dibadda loo qaado”.

Munaasabada ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay masuliyiin kala kuwaa oo dhamaan hambalyo iyo bogaadin u diray ciidan.Boliiska Soomaaliyeed oo maanta u dabaal dagayay sanadguurada 81-Aad eee aas aaska ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here