Madaxweynaha JFS oo Ka Qeybgalay Xuska 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

0

MUQDISHO — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kusoo biiray munaasabadda sanad-guuradii 82-aad ee aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, oo ka socota Xarunta Tababarka Janaraal Kaahiye ee Muqdisho.

 

Munaasabaddan oo xambaarsan qiimo qaran iyo xusuus taariikhi ah ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Janaraal Asad Cismaan Cabdullaahi, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Odowaa Yusuf Rage, Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka Mahad Maxamed Salaad, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, saraakiil ciidan, marti sharaf, iyo wufuud heerar kala duwan ah.

Munaasabadda ayaa si weyn loogu diyaargaroobay, iyadoo lagu muujinayo halgankii, dadaalkii, iyo horumarkii uu soo maray Ciidanka Booliiska tan iyo aasaaskii sanadkii 1943-kii. Waxaa la filayaa in xuskan lagu soo bandhigo tababbarro ciidan, gaardisyo, iyo dhoolatusyo ka tarjumaya kartida, anshaxa, iyo horumarka uu ciidanku ku tallaabsaday.

Xuskan heer qaran ah ayaa qeyb ka ah xoojinta xusuusta taariikhiga ah ee Ciidanka Booliiska iyo dhiirrigelinta dadaalka ay ugu jiraan sugidda amniga iyo kala dambeynta dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here