NEW YORK (SMN) – Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Mudane Faysal bin Abdullah Al-Hanzab oo ka qeyb galay shirka Amniga Soomaaliya.
Inta uu socday kulanka waxaa la lafa-guray xiriirka iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal.
Ergeyga Gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar ayaa dhankiisa ku nuuxnuuxsaday sida Dowladda Qatar ay u dooneyso inay taageero siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeedba siiso dowladda Federaalka.