Madaxweynaha JFS oo la kulmay haweenka ee ku jira Ciidamada + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo farxadda Munaasabadda Ciidul fidriga awgeed xalay kulan dhiirigelin ah la qaatay qaar ka mid ah Saraakiisha haweenka ah ee ku jira Ciidamada qalabka sida.

 

Ugu horreyn madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay sida nafhurnimada leh ee ay ugu taagan yihiin difaaca dalka, ilaalinta gobanimada iyo karaamada Ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay in haweenka Soomaaliyeed ay yihiin laf-dhabarta dowladnimada Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu ku booriyay in ay laba jibaaraan doorkooda halganka dib u xoreynta dalka, dhiirigalinta ciidamada qaranka iyo wacyi gelinta bulshada ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here