Madaxweynaha Jubaland oo Kulan Dhiirrigelin ah la Qaatay Sarakiisha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

0

Kismaayo, Soomaaliya — Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan dhiirrigelin ah la qaatay sarakiisha howlgallada gaarka ah ee qeybta ka ah Howlgalka AFRICOM ee Dowladda Maraykanka, kuwaas oo ka howlgala deegaannada Jubaland.

 

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay sarakiisha iskaashiga dhinaca amniga, gaar ahaan tababarrada ay siiyaan ciidamada, wada-shaqeynta howlgallada la dagaallanka Khawaariijta, iyo doorkii muhiimka ahaa ee ay ku lahaayeen howlgalladii ugu dambeeyay ee lagu jabiyay Khawaariijta, kuwaas oo ka dhacay deegaano kala duwan oo ka tirsan Jubaland.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jubaland ayaa sarakiisha AFRICOM ku ammaanay geesinimada, hufnaanta, iyo wada-shaqeynta dhow ee ay muujiyeen inta ay socdeen howlgallada amniga, taas oo gacan weyn ka geysatay xoojinta nabadgelyada iyo xasilloonida deegaannada Jubaland.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa si rasmi ah u guddoonsiiyay Bilad Sharaf iyo Shahaado Mahadcelin sarakiisha howlgallada gaarka ah ee AFRICOM, isaga oo uga mahadceliyay doorkooda muhiimka ah ee ay ku leeyihiin taageerada dhinacyada badan ee amniga Jubaland.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Dowladda Jubaland ku xoojinayso iskaashiga amni ee ay la leedahay saaxiibada caalamiga ah.

May be an image of textNo photo description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here