KISMAAYO — Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan wadatashi ah ku casuumay Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala Jubaland.
Kulanka ayaa la sheegay in diiradda lagu saari doono arrimaha siyaasadda dalka, xoojinta wada shaqaynta hay’adaha dowladda iyo doorka ay xildhibaannadu ku leeyihiin difaaca danaha Jubaland ee heer federaal.
Madaxweynaha ayaa ku booriyay mudaneyaasha Baarlamaanka in ay sii adkeeyaan midnimada iyo isku duubnida, si loo xaqiijiyo matalaad hufan oo wax ku ool ah, loona xoojiyo xiriirka ka dhexeeya Dowlad Goboleedka jubaland iyo Dowladda Federaalka.





