Madaxweynaha Jubaland oo la kulmay Wakiilka IOM ee Soomaaliya, kana wada hadlay arrimaha abaaraha

0

Kismaayo – Madaxweynaha Dowladda goboleedka Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay ee IOM u qaabilsan Soomaaliya, Mr. Manuel Marques Pereira, iyo wafdi uu hoggaaminayay.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda abaaraha ee ka jira deegaanada Jubaland iyo taageerada caalamiga ah ee loo baahan yahay si loo yareeyo saameynta ka dhalatay abaarahaasi, gaar ahaan dhinacyada biyo-helidda, barakaca iyo nolol-soo-kabashada bulshada.

Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah loogaga hadlay dhamaystirka mashruuca biyo-galinta Magaalada Kismaayo, kaas oo biyaha Wabiga Juba lagaga soo jiidayo deegaanka Yoontooy, mashruucan oo haatan maraya marxaladdii gabagabada.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa uga mahadceliyay Hay’adda IOM taageerada ay siiso Jubaland, isaga oo xusay in mashruuca biyo-galinta Kismaayo uu yahay mid muhiim u ah nolol-maalmeedka bulshada, isla markaana wax weyn ka tari doona yareynta saameynta abaaraha iyo biyo-la’aanta ka jirta magaalada.

Dhankiisa, Wakiilka IOM, Mr. Manuel Marques Pereira, ayaa ballan qaaday in hay’addu ay sii xoojin doonto iskaashiga ay la leedahay Dowladda Jubaland, si loo taageero dadaallada bani’aadannimo iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda gobolka.

May be an image of one or more people and daisMay be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here