Madaxweynaha Jubbaland oo booqday xarunta Hay’adda SoDMA + Sawirro

0

KISMAAYO (SMN) – Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Jubbaland Md. Axmed Maxamed Islaam ayaa booqasho howleed u jeedkeedu yahay ogaanshaha xogaha bani’aadannimo ee dalka ka jira ku yimid xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo uu ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Hay’adda Md. Maxamuud Macallin Cabdulle.

 

Madaxweynaha ayaa lala wadaagay warbixin guud oo la xariirta howlaha iyo waajibaadka hay’adda, saameynta taban ee is-beddelka cimiladu ku leedahay dalkeenna, cabsida laga qabo duufaanta Laly oo sare u sii kacaysa iyo dadaallada gargaar ee SoDMA ka waddo dalka, gaar ahaan gobollada Jubbaland.

Kulankan xog-siinta iyo soo dhaweynta ah waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa, Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda, la-taliyayaal iyo marti-sharaf heerkeedu sarreeyo, wuxuuna Madaxweynahu si weyn u bogaadiyay howlaha hay’addu u heyso dadka Soomaaliyeed ee nugul, isagoo ka mahadceliyay arrimaha samafal ee ka socda degaannada Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here