AFMADOW (SMN) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta gaaray degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose, xilli dhawaan wadada xariirisa magaalooyinka Kismaayo iyo Afmadow Laga saaray Al-Shabaab.
Boqolaal shacab ah ayaa madaxweynaha ku soo dhaweeyay bartamaha magaaladaan oo ay haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan ciidamasa dowladda iyo kuwa Jubbaland.
Madaxweynaha ayaa u tagay degmada Afmadow dardargalinta howlgalada ay wadaan Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland kuwaas oo guulo wax ku ool ah laga gaaray maalmahii lasoo dhaafay.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-