Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo booqasho dhiirigelin u sameeyay Ciidanka Daraawiishta

0

Koonfur Galbeed, Soomaaliya – Madaxweynaha Dowladda goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa booqasho iyo dhiirigelin u tagay cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Dowladda Koonfur Galbeed, kuwaas oo hadda u diyaar garoobaya adkeynta amniga iyo ilaalinta dowladnimada gobolka.

 

Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in Dowladda goboleedka Koonfur Galbeed ay ka go’an tahay taageerida iyo tayeynta ciidamada, si ay si hufan u gutaan waajibaadkooda qaran ee ku aaddan difaaca dalka, ilaalinta dowladnimada, iyo la dagaallanka kooxaha nabad-diidka ah.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee dowladda gobolka ku xoojinayso amniga, dib-u-dhiska hay’adaha dowliga ah, iyo sugidda nabadda shacabka ku dhaqan deegaanada Koonfur Galbeed. Waxaa sidoo kale la tilmaamay in booqashadu dhiirigelin u tahay ciidamada iyo shaqaalaha kale ee ammaanka si ay u gutaan waajibaadkooda si hufan.May be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here