Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ku amray Ciidamada in adkeeyaan amniga Baydhabo

0

Baydhabo, Soomaaliya – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa ku amray hay’adaha amniga in ay si adag u sugaan amniga magaalada Baydhabo, isla markaana ay ka hortagaan wax kasta oo khatar ku ah xasilloonida siyaasadeed ee maamulka.

 

Laftagareen ayaa farriintiisa si cad ugu muujiyay in aan la aqbali doonin isku-day kasta oo carqaladeyn kara siyaasadda maamulka, isaga oo ciidamada u diray fariin adag oo ah in “gacan bir ah” lagu maamulo wax kasta oo lid ku ah amniga.

Wasiirka Amniga ee Koonfur Galbeed, Xasan Cabdiqaadir, oo sidoo kale lagu tilmaamo mid kamid ah shaqsiyaadka ugu dhow Madaxweyne Laftagareen, ayaa isna sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono hub sharci darro ah oo lagu dhex arko gudaha magaalada Baydhabo.

“Baydhabo laguma arki karo hub aan sharci ahayn, wax aan ahayn ciidamada dowladda ama kuwa maamulka,” ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Digniintan ayaa imaneysa xilli maamulka Koonfur Galbeed uu wajahayo cadaadis siyaasadeed iyo tuhunno isa soo taraya oo ku aaddan xiriirka u dhexeeya Villa Somalia iyo Maamulka Laftagareen, kuwaas oo la rumeysan yahay in uu xumaaday bilihii u dambeeyay.

Dadka falanqeeya siyaasadda gudaha Soomaaliya ayaa sheegaya in kalsooni darrada sii kordheysa ay keeni karto khalkhal siyaasadeed iyo mid amni, haddii aan la helin xal lagu mideynayo dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here