Madaxweynaha K/Galbeed oo war kasoo saaray xildhibaan lagu dilay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka Tacsiyadeeyey Geerida Xildhibaan Ibraahim Cabdi Cabdiraxmaan oo ka Tirsana Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo Caawa Cadowga Khawaarijta Alshabaab ay ku dileen Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

 

“Inalilaahi wainna ileeyhi raajicuun.

Alle ha u naxariistee Xildhibaan Ibraahim Cabdi Cabdiraxmaan waxa uu door weyn kasoo qaatay nabadda, dib u dhiska Dowladnimada iyo Dib u heshiisinta Bulshada.

Waxaan Alle u weydiinayaa in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Madaxweyne Laftagareen ayaa Alle uweydiiyey Xildhibaanka in Hoygiisa uu ka yeelo Janatul Firdowsa Ehelka, Qarabada iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeedna uu Samir iyo Iiman uu Alle ka siiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here