JOWHAR (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo wareegto soo saaray ayaa sameeyey xilka qaadis iyo magacaabis.
Madaxweynaha ayaa Mudane Xasan Cabdi Yuusuf u Magacaabay Wasiiru-dowlaha Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta HirShabelle, Isagoo xilka ka qaaday wasiirkii xilkaas hayay oo lagu eedeeyay waxqabad la’aan.
Sidoo kale Ilyaas Yuusuf Ibaahin ayaa isna loo magacaabay Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda HirShabeelle, sida lagu sheegay wareegatada.
Halkan hoose ka aqriso:-