Madaxweynaha Masar oo shaaciyay sababta uu difaacayo Madax-banaanida Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Masar Abdel Fattah Al-Sisi ayaa xaqiijiyay in dalkiisu uu difaacayo madax-banaanida, midnimada iyo xasiloonida Soomaaliya, isagoo xusay in taageeradaas aysan la xiriirin xiisada kala dhaxaysa dalka Itoobiya.

 

“Soomaaliya kuma taageerno Itoobiya darteed. Waxanu u taageernay inay tahay dal aan walaalo nahay oo mudo 30 sano ah kusoo jiray xaalad degenaansho la’aan ah iyo xasilooni darro,” ayuu yiri Madaxweyne el-Sisi

Hadalka Madaxweyne Al-Sisi ayaa yimid xili Itoobiya walaac ka muujisay doorka Masar ee taageerada Soomaaliya. Todobaadkii hore waxaa dekada Muqdisho soo gaaray markab sida shixnad milatari oo aad u badan oo ka timid dowladda Masar.

Taageerada milatari oo ka mid ah shixnadaha hubka casriga ah ee ugu weyn ee ay Soomaaliya ka hesho xulafadeeda caalamiga ah, ayaa astaan ​​u ah tallaabo dheeraad ah oo lagu xoojinayo saamaynta sii kordheysa ee Soomaaliya ay ku leedahay masraxa caalamiga ah. Kani waxa uu ahaa shixnad gargaar milatari oo labaad oo laga soo diro Masar.

Bishii August, Masar iyo Soomaaliya waxay kala saxiixdeen heshiiska difaaca iyo amniga kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud booqasho ku tagay Qaahira.

Malaintii Sabtida ee lasoo dhaafay, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badar Abdelatty, oo ka hadlayay shirka 79-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa cambaareeyay dhammaan tallaabooyinka ay qaadey dowladda Itoobiya ee heshiiska badda kula gashay Somaliland kaasoo uu sheegay inuu khatar ku yahay midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Hadalka Madaxweyne Al-Sisi ayaa mar kale xaqiijinaya sida ay Masar uga go’an tahay taageeridda midnimada iyo xasilloonida Soomaaliya, taasoo rajo u ah mustaqbal nabad dalka. Masar ayaa la filayaa inay illaa 10,000 oo askari usoo dirto Soomaaliya si ay qeyb uga qaataan howlgalka cusub ee Midowga Africa ee billaaban doona sanadka 2025.

Madaxweyne El-Sisi oo ka jawaabayay su’aal la xiriirta biyo-xidheenka webiga Nile, ayaa carabka ku adkeeyay dadaalka Masar ay ugu jirto in ay wada hadalo la yeelato Itoobiya, iyadoo loo marayo wadooyinka diblomaasiyadeed ee lagaga hortagayo wax kasta oo dhibaato u keeni kara xasiloonida gobolka Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here