Madaxweynaha oo si adag u cambaareeyay tallaabooyinka Somaliland, kana digay faragelin shisheeye

0

MUQDISHO — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si adag u cambaareeyay tallaabooyinka ay qaadday Somaliland, isagoo ku tilmaamay kuwo khatar ku ah midnimada iyo madaxbannaanida dalka.

 

Khudbad uu xalay u jeediyay shacabka Soomaaliyeed, madaxweynuhu wuxuu sheegay in maamuladii kala dambeeyay ee Somaliland ay marar badan ka leexdeen fursado wadahadal oo lagu gaari lahaa xal siyaasadeed, taas oo sii kala fogeysay dadka Soomaaliyeed.

Wuxuu xusay in dowladda federaalku mar walba ku celcelisay in khilaafaadka siyaasadeed ee jira ay yihiin kuwo u dhexeeya shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda, laguna xallin karo oo keliya wadahadal iyo is-afgarad qaran.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah u dhaliilay heshiiska is-afgarad (MOU) ee Somaliland la gashay Itoobiya, isagoo ku tilmaamay mid lama filaan ah oo dhaawacay rajadii wadahadal siyaasadeed, xilli ay jireen dadaallo kale oo lagu raadinayay xal.

Wuxuu ku eedeeyay maamulka Hargeysa inuu aad ugu nugul yahay faragelin shisheeye, gaar ahaan isku day kasta oo la xiriira raadinta aqoonsi dibadeed.

Madaxweynuhu wuxuu mar kale adkeeyay in Soomaaliya tahay dal madax-bannaan oo leh midnimo dhuleed aan la kala goyn karin, isla markaana aan lagu kala jabin karin warqad ama saxiix dal shisheeye.

Isagoo la hadlayay shacabka ku nool waqooyiga dalka, Xasan Sheekh wuxuu sheegay in aqoonsi dhab ah uu ka iman karo oo keliya shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ay wadaagaan diin, dhaqan iyo dalnimo.

Wuxuu ku booriyay hoggaanka Somaliland inay dib u milicsadaan waayo-aragnimada caalamiga ah, isagoo tusaale u soo qaatay dalal iyo deegaanno ay ka mid yihiin Koonfur Suudaan, Eritrea, East Timor, Taiwan iyo Catalonia, kuwaas oo muujinaya in aqoonsi caalami ah lagu gaari karo oo keliya heshiis siyaasadeed oo ay wada oggol yihiin dhinacyada ay khusayso.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale caddeeyay in dowladda federaalku diyaar u tahay tanaasul iyo wadahadal dhab ah si loo helo midnimo qaran iyo dowladnimo wadajir ah.

Ugu dambayn, madaxweynuhu wuxuu u mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan sida ay uga dhiidhiyeen tallaabooyinka uu ku tilmaamay kuwo khatar ku ah dalka, wuxuuna sidoo kale mahadcelin u jeediyay beesha caalamka iyo ururrada caalamiga ah ee taageeray midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here