Madaxweynaha Puntland oo ka horyimid qodobadkii kasoo baxay shirkii Muqdisho

0

GAROOWE (SMN) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Deni oo maanta warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa ka horyimid go’aannada kasoo baxay shirka golaha wadatashiga qaran ee xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

 

Saciid Deni ayaa sheegay in aanay quseyn dhammaan qodobada kasoo baxay shirkaas, wuxuuna sheegay in laga shaqeynayo kala go’a dalka, sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladda Puntland qeyb kama ahan Golaha Wadatashiga, namana quseeyaan waxa ka soo baxay. Midnimo ma jirto ee waxa socda waa kala go’ laga shaqaynayo, ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray ‘Waxaa ayaan daro ah in 34 sano ka dib ay dad ay dhahayaan dalka waa ka go’eynaa, waxa aan diidannahay waa waxa hada socdo oo kale”.

Puntland ayaa horay gebi ahaan xiriirka ugu jartay dowladda dhexe, sababo la xiriira wax ka beddela dastuurka KMG oo ay meel-mariyeen xildhibaannada labada Gole.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here