Madaxweynaha Puntland oo Kormeeray Ciidamada Tababarka Ku Jira, una Mahadceliyey Booliska

0

Carmo — Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta safar shaqo ku tegay degmada Carmo ee gobolka Bari, halkaas oo uu kormeeray Kulliyadda Tababarka Booliska ee magaalada, halkaas oo ay tababar ku qaadanayaan ciidamo cusub oo loo diyaarinayo qeybta Booliska.

 

 

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu bogaadiyey ciidamada tababarka ku jira dadaalkooda, iyo weliba howlaha ay wadaan masuuliyiinta booliska iyo dhammaan cid kasta oo ka qeyb qaadatay hirgelinta qorshahan.

Mudane Deni ayaa tilmaamay in Puntland maanta u baahan tahay ciidamo leh aqoon, xirfad, iyo karti, si ay u gutaan waajibaadka sugidda amniga iyo ilaalinta sharciga. Wuxuu xusay in tallaabadan ay ka mid tahay qorshaha Puntland ee dhismaha hay’adaha amniga oo waxtar leh.

“Ciidanka maanta tababarka qaadanaya waa tiir muhiim ah oo amniga Puntland ka mid ah, waana in la sii xoojiyo tayadooda iyo tababarkooda si ay si hufan ugu adeegaan shacabka,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Safarka Madaxweynaha ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu dhiirrigelinayo hay’adaha amniga iyo tayeynta ciidamada Puntland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here