Muqdisho – Madaxweynaha Dowladda goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo ay wehliyaan mas’uuliyiin uu ugu horeeyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Puntland, Maxamed Maxamuud Ciise (Awoowe), ayaa kulan is-xogwareysi ah la qaatay xubno ka tirsan bulshada reer Puntland ee ku dhaqan Gobolka Banaadir.
Kulankan ayaa qayb ka ah socdaalka Madaxweynaha ee uu ku joogo magaalada Muqdisho, waxaana uu kusoo aadayaa iyadoo dhowaan lagu dhawaaqay shir ay soo qabanqaabisay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo kulankii koowaad ku dhammaaday natiijo la’aan.
Mudanayaashu waxa ay ku wadaagaan aragtiyo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan sidii loo xoojin lahaa wada-tashiga, loona gaaro is-afgarad siyaasadeed oo horseeda xasilooni iyo horumar waara. Madaxweyne Dani ayaa sidoo kale si gaar ah diiradda u saaray muhiimadda ay leedahay midnimada qaran iyo ka shaqaynta danta guud ee shacabka Soomaaliyeed.
Bulshada reer Puntland ee ka qayb-galay kulanka ayaa dhankooda soo bandhigay aragtiyo, talooyin, iyo welwel ku saabsan arrimaha ay u arkaan inay muhiim u yihiin horumarka iyo nabadda Puntland iyo guud ahaan dalka.
Kulankani waxa uu daba socdaa kulamo horay Madaxweynaha uu la yeeshay siyaasiin iyo madax dhaqan oo dalka , taas oo qeyb ka ah dadaalka joogtada ah ee dhinacayadad wada-hadalka iyo isu-tanaasulka siyaasadeed.





