Madaxweynaha Puntland oo magacaabay guddiga doorashooyinka ee maamulkaasi

0

GAROOWE (SMN) -:Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 42 ee 15-ka Agoosto 2023 kuna saabsan Magacaabida Xubnaha Guddiga Doorashooyinka ee PEC.

 

Madaxweynaha Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 113-aad farqadiisa 1-aad xarafka (t)

Markuu arkay: Aqootooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.

Markuu arkay: Baahida loo qabo dhismaha Guddiga Doorashooyinka Puntland ee (PEC)

Markuu La-tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa xubnaha hoos ku xusan loo magacaabay Guddiga Doorashooyinka Puntland ee (PEC).

1.1. Cabdullaahi Siciid Ismaciil (Keytoon)

1.2. Maxamed Abshir Garaad

1.3. Maxamuud Soofe Xasan

  1. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA PUNTLAND.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here