Madaxweynaha Somaliland oo baaq u diray Shacabka iyo Ganacsatada

0

Hargeysa, Luulyo 30 — Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, ayaa magaalada Hargeysa kula kulmay qaybo kamid ah shacabka deegaanka, isaga oo si qoto dheer uga hadlay xaaladda abaareed ee ka jirta deegaano badan oo Somaliland ka tirsan.

 

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in abaarta daran ay saameysay in ka badan 100,000 oo qof, kuwaas oo ku nool gobollada ay si gaar ah u saameeyeen isbeddelada cimillada iyo roob la’aanta sii daba dheeraatay.

“Waxaan shacabka iyo ganacsatada ugu baaqayaa inay si degdeg ah uga qayb qaataan gurmadka loo fidinayo walaalahooda ay abaartu saameysay,” ayuu yiri madaxweyne Cirro, isagoo ku adkeystay in dowladdu diyaar u tahay doorkeeda ah hoggaan iyo hagid gurmadka bini’aadantinimo.

Madaxweynaha ayaa xusay in ay muhiim tahay isku duubni iyo isgarab-taag bulsho, si wax looga qabto xaaladda adag ee dad iyo duunyo ku saameysay abaarta.

Baaqan ayaa imaanaya iyadoo warbixinaha ka imaanaya gobollada bariga iyo koonfurta Somaliland ay sheegayaan in abaaro daran ay ku dhuftay xoolihii iyo dadkii ku tiirsanaa nolosha miyiga, halkaas oo dadka qaar ay ku sugan yihiin xaalado bini’aadantinimo.

Maamulka Somaliland ayaa hore u sheegay in ay wadaan la-tashi iyo qorshayaal degdeg ah oo lagu wajahayo xaaladda abaareed, iyadoo sidoo kale laga codsaday hay’adaha gargaarka in ay ka jawaabaan xaaladda jirta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here