Madaxweynaha Somaliland oo ka dagay magaalada Addis Ababa + Sawirro

0

ADDIS ABABA (SMN) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayey oo gaaray dalka Itoobiya oo ay maanta uga bilaabantay booqasho rasmi ah oo uu ka helay Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed Ali.

 

Muuse Biixi waxa garoonka Caalamiga ah ee Bole International Airport k soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Ethiopia Mudane Demeke Mekonnen, iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dawladda Itoobiya.

Soo dhawayn kadib waxaa loo galbiyey qasriga madaxtooyada, halkaas oo uu ka bilaabi doono kulamo xasaasi ah

Madaxweynaha Somaliland waxaa safarkam ku wehelinaya Wasiirrada Wasaaradaha Waxbarashada iyo Sayniska, Dr. Axmed Aadan Axmed (Buuxane), Qorshaynta iyo Horunarinta Qaranka, mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), Horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, ku-xigeenka Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane Muuse Ibraahim Selef, halka wasiirka arrimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud uu dalka Itoobiya kaga sii horeeyay weftiga.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here