Madaxweynaha Soomaaliya oo dhambaal hambalyo ah u diray Jabuuti

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, dowladda Jabuuti iyo guud ahaan shacabka dalkaas, maalinta xoriyadda ee 27-ka Juun.

 

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay dadaalka iyo horumarka ay Jamhuuriyadda Jabuuti ku tallaabsatay tan iyo markii ay xornimada qaadatay, isagoo tilmaamay xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah.

“Waxaan ugu hambalyeynayaa walaalaheenna Jamhuuriyadda Jabuuti sanadguurada 47-aad ee xorriyadda. Soomaaliya iyo Jabuuti waxa ay wadaagaan taariikh dheer, dhaqan iyo dhiig. Waxaan ku faaneynaa horumarka iyo midnimada ay gaareen walaalaheenna Jabuuti, waxaana u rajeyneynaa mustaqbal ifaya iyo hurumar waara.”

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay muhiimadda iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo arrimaha bulshada, isagoo uga mahadceliyey dowlad iyo shacabba doorka ay ka qaateen dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here