Madaxweynaha Soomaaliya oo Gaaray Baqdaad si uu uga Qaybgalo Shirka Jaamacadda Carabta

0

Baqdaad, Ciraaq – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq, halkaas oo uu uga qaybgalayo meertada 34-aad ee Shirka Jaamacadda Carabta.

 

Shirkan oo ay isugu imanayaan madaxda waddamada Carabta ayaa diiradda lagu saari doonaa sidii xal waara loogu heli lahaa xasaradaha amni iyo siyaasadeed ee ka jira meelo badan oo ka mid ah gobolka.

Waxaa sidoo kale la filayaa in laga doodo arrimaha gargaarka bani’aadantinimo, horumarinta iskaashiga dalalka Carabta, iyo sidii loo xoojin lahaa midnimada iyo wadajirka ummadda Carbeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu shirka ka qaybgalayo, la wadaagi doona madaxda kale dadaallada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku bixinayaan halganka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isaga oo carrabka ku adkayn doona sida Soomaaliya uga go’an tahay inay ka saarto kooxaha argagixisada dhulkeeda.

Safarka Madaxweynaha ee Baqdaad ayaa imaneysa iyadoo Soomaaliya ay marayso marxalad muhiim ah oo ku aaddan xasilinta amniga, dib u dhiska hay’adaha dowliga ah, iyo kor u qaadista xiriirka diblomaasiyadeed ee caalamiga ah.

May be an image of 4 people, aircraft and textMay be an image of 1 personMay be an image of 10 people, helicopter and text that says "M"May be an image of 4 peopleMay be an image of 2 people, aircraft and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here