BERLIN (SMN) – .Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Berlin ee caasimadda dalka Jarmalka kadib markii uu martiqaad ka helay Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Mudane Olaf Scholz.
Madaxweynaha ayaa kulamo muhiim ah la qaadan doono Ra’iisul Wasaaraha dalka Jarmalka Mudane Olaf Scholz iyaga oo ka wada hadli doono xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Jarmalka sida dib u soo nooleynta Mashaariicdii Farsamada gacanta, Isbedelka cimilada, Horumarnita Booliska Soomaaliyeed iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika iyo arrimo kale.
Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ka qeybgalaya Shirweynaha Maalgashiga Afrika iyo Jarmalka oo muhiimad gaar ah u leh maalgashiga Soomaaliya, maadaama dalkeennu labadii sano ee la soo dhaafay ku guuleystay arrimaha deyn cafinta, la dagaalanka Argagixsada, ku biirista Ururka Iskaashiga Bariga Afrika.
Soomaaliya iyo Jarmalka ayaa leh taariikh soo jireen ah waxa uuna safarka Madaxweynahu sii xoojinayaa Iskaashiga labada dal.