Doha — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Doha, caasimadda dalka Qatar, halkaas oo si diirran loogu soo dhoweeyay.
Inta uu ku sugan yahay dalka Qatar, Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu kulamo miro-dhal ah la yeesho mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Qatar, kuwaas oo diiradda lagu saari doono xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.
Safarkan shaqo ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa qeyb ka ah booqashooyin diblomaasiyadeed oo uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka caalamka, kuwaas oo ujeedkoodu yahay adkeynta xiriirka caalamiga ah, horumarinta danaha qaranka, iyo helidda taageero caalami ah oo lagu xoojinayo dadaallada dowladda ee ku aaddan ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida dalka.
Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ku bixineysa ballaarinta xiriirka ay la leedahay waddamada saaxiibka ah, gaar ahaan kuwa taageerada ka siiya Soomaaliya dhinacyada horumarinta, amniga iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowladda.







