KAMPALA [SMN] – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Kampala ku soo dhaweeyey dhigiisa dalka Uganda, Mudane Yoweri Museveni, iyagoo qorsheynaya inay ka wada hadlaan sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo iskaashiga ku aaddan la dagaalanka argagaxisada, sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay afhayeenka Madaxtooyada JFS, Mudane Cabdiraxmaan Aadam Cali (Xadaana).
Kulanka labada hogaamiye ayaa lagu wadaa inuu noqon doono mid lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo horumarka ee labada dal, si loo xaqiijiyo amni iyo nabadgelyo ka wanaagsan gobolka.
Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale kulan la qaadan doona mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Uganda, si loo adkeeyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan.
Soomaaliya iyo Uganda ayaa horey u yeelan jiray xiriir wanaagsan oo ku saabsan la dagaalanka argagaxisada, waxaana lagu wadaa in labada hogaamiye ay iska kaashadaan sidii ay uga hortagi lahaayeen khataraha argagaxisada ee soo foodsaaraya gobolka.
Dhinaca kale, socdaalkan ayaa sidoo kale muhiim u ah sidii loo xoojin lahaa xiriirka ganacsi iyo iskaashiga dhaqaale ee labada dal.