MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ku dhawaaqay in Soomaaliya ay diyaar u tahay maalgashi iyo ganacsi cusub, isagoo si rasmi ah ugu sheegay ganacsatada Mareykanka in dalka uu “furan yahay ganacsi,” intii uu socday Madasha Maalgashiga Soomaaliya–Mareykanka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.
“Soomaaliya ma ahan dal lagu qeexo dhibaatooyinkii tagay, balse waa dal lagu qeexo fursadaha soo socda. Waxaan haynaa himilo, dib-u-habeyn, iyo awood shaqaale,” ayuu yiri Madaxweynaha, isagoo ugu baaqay maalgashadayaasha Mareykanka in ay ka faa’iidaystaan waxa uu ku tilmaamay “suq cusub oo furan.”
Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu madasha ka horjeediyay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (National Transformation Plan – NTP) iyo Himilada 2060, kuwaas oo uu ku sheegay in ay yihiin tubta fog ee horumarka Soomaaliya.
“Qorshaheenna Isbeddelka Qaranka iyo Himilada 2060 ma aha kaliya riyo, waa hannaanyo dhab ah oo diiradda saaray koboca ay horseedayaan ganacsiga gaarka ah iyo iskaashiga caalamiga ah,” ayuu yiri.
Madaxweynuhu waxa uu tusaale usoo qaatay in Soomaaliya ay dhameystirtay hanaankii deyn cafinta HIPC, taas oo uu ku tilmaamay guul weyn oo dib u soo celisay kalsoonida maaliyadeed isla markaana fure u noqotay helitaanka maalgelin caalami ah.
“Anagoo ka faa’iidaysanayna aasaaskaas, dowladdaydu waxay hirgelisay sharciyo dhiirrigelinaya maalgashiga, oo ay ka mid yihiin ilaalinta maalgeliyeyaasha, fududeynta diiwaangelinta ganacsiga, iyo xeerar hufan oo maaliyadeed,” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Isagoo si gaar ah u muujiyay khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya, ayuu xusay xeebta dheer ee dalka, dhulka beeraleyda ah, kalluumeysiga, xoolaha, tamarta dib loo cusboonaysiin karo iyo macdanta, kuwaas oo uu sheegay in ay yihiin fursado u baahan maalgelin waarta.
“Soomaaliya waxay si gaar ah ugu taallaa meel istiraatiiji ah oo ay ku noqon karto xarun ganacsi iyo maalgashi. Qeybaha aan mudnaanta siinay waxaa ka mid ah beeraha, tamarta, tiknoolajiyadda, gaadiidka, iyo kaabeyaasha dhaqaalaha,” ayuu yiri.
Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale tilmaamay in Soomaaliya ay si rasmi ah uga mid noqotay Bulshada Bariga Afrika (EAC), isla markaana ay horumarinayso geeddi-socodkeeda ku biirista Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO), taas oo uu sheegay in ay sare u qaadeyso doorka Soomaaliya ee suuqyada gobolka iyo kuwa caalamka.
“Dowladda Mareykanka waxay caan ku tahay hal-abuurka ganacsiga, horumarka tiknoolajiyadda, iyo awoodda ay u leedahay in ay aragto fursad halka ay kuwa kale u arkaan caqabado. Waxaan rumeysanahay in Soomaaliya ay tahay suuq sax ah oo u qalma fursadahaas,” ayuu yiri.
Madaxweynaha ayaa ballanqaaday in dowladdiisu ay fududeyn doonto in ganacsatada Mareykanka ay galaan dalka, ay maalgelintooda ilaalin doonto, isla markaana ay ka helayaan faa’iido dhaqaale iyo mid bulsho.
“Fursaddu waa halkan, waqtiguna waa hadda. Aan si wadajir ah u xaqiijino in Soomaaliya ay noqoto dal fursadihiisa loo beddelay shaqo-abuur, hal-abuur, iyo horumar,” ayuu kusoo xiray khudbadiisa.




