Muqdisho, Soomaaliya – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Mashruuca Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya (GERD) uu saameyn weyn ku yeelan karo guud ahaan gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan dalalka wabiga Nile sida Masar iyo Suudaan.
Isagoo wareysi siiyay telefishinka Al-Arabiya, Madaxweynaha ayaa arrintan ku tilmaamay mid xasaasi ah, wuxuuna ugu baaqay dhammaan dhinacyada khuseeya in ay ka wada hadlaan arrintan si wadajir ah oo wax ku ool ah, si loo gaaro xal waara oo ay dhammaan dhinacyadu ku qanci karaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu caddeeyay in xiriirka Soomaaliya la leedahay Itoobiya uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin xiriirka istiraatiijiyadeed ee ay la leedahay dowladda Masar. Waxa uu si gaar ah u muujiyay muhiimada ay leedahay in mudnaanta la siiyo nabadda iyo horumarka gobolka, iyada oo laga fogaado abuurista xiisado hor leh.
Isagoo ka hadlayay xiriirka dhow ee Soomaaliya la leedahay Masar, Madaxweynaha wuxuu xusay in Masar ay taageero muhiim ah siisay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada tababarka ciidamada, kaalmada saadka, iyo xoojinta amniga.
“Arrintani waxay caddeyneysaa xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya labada dal iyo sida ay Masar uga go’an tahay in ay ka qeyb qaadato dadaallada lagu xasilinayo Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa beeniyay wararka sheegaya in dagaal dhaw uu ka qarxi karo Itoobiya iyo Ereteriya, isaga oo tilmaamay in aysan jirin wax calaamado ah oo muujinaya xiisad dagaal oo u dhaxeysa labada dal.
Hadalkan Madaxweynaha ayaa yimid xilli Itoobiya ay Talaadadii si rasmi ah u daahfurtay Biyo-xireenka GERD oo ah mashruuca tamarta korontada ee ugu weyn Afrika, kaas oo laga dhisay webiga Blue Nile, meel u dhow xadka Suudaan.
Mashruucan oo leh awoodda 5,150-megawatt iyo kayd biyo ah oo gaaraya 74 bilyan oo mitir cubic ah, ayaa muddo dheer sabab u ahaa khilaaf ka dhex taagnaa Itoobiya, Masar iyo Suudaan.
Addis Ababa ayaa sheegtay in biyo-xireenku uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin dalalka wabiga hoostooda mara, halka Masar iyo Suudaan ay walaac ka muujiyeen in mashruucu uu hoos u dhigi karo qaybtooda biyaha Nile.



