Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qayb galay shirka ictiraafka dowladnimada Falastiin

0

New York – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyo ergadiisa oo ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa maanta magaalada New York kaga qeyb galay shir caalami ah oo heer sare ah, kaasoo looga doodayay ictiraafka dowladnimada Falastiin iyo xaqiijinta xuquuqdooda taariikhiga ah.

 

Shirkan oo ay ka qayb galeen madaxda dalal badan iyo wakiillo ka socda hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa diiradda lagu saaray sidii loo taageeri lahaa dowlad madax bannaan oo Falastiin ah, laguna xaqiijin lahaa xuquuqda shacabka Falastiiniyiinta ah, kuwaasoo muddo dheer la halgamayay colaadaha iyo gumaysiga.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu jeediyay ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay garab istaagayso dadka Falastiin, ayna tahay mid ka mid ah dowladihii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsaday dowladnimada Falastiin. Waxa uu hoosta ka xarriiqay in taageerada Soomaaliya ay tahay mid joogto ah, laguna dhiirrigelinayo dadaallada nabadeed iyo xal waara oo lagu gaaro gobolka Bariga Dhexe.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay sii xoojiyaan taageerada ay siiyaan dowladaha iyo shacabka reer Falastiin, ayna hormariyaan dedaalada lagu xaqiijinayo xasilloonida iyo nabadda gobolka, iyadoo la ixtiraamayo sharciyada caalamiga ah iyo xaqa ay leeyihiin dadka Falastiin ee ku dhaqan dhulkooda.

Ergada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay si weyn uga go’an tahay in ay ka shaqeyso nabadda iyo horumarka gobollada ay colaadaha saameeyeen, ayna garab istaagto dadka iyo dowladaha la halgamaya cadaadiska iyo dhibaatada siyaasadeed.

Shirkan ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay qorshayaal iyo go’aanno lagu taageerayo ictiraafka dowladnimada Falastiin iyo sidii loo xaqiijin lahaa xuquuqda aadanaha iyo siyaasadeed ee dadka reer Falastiin, iyadoo laga wada hadlay qaabka ay dowladaha iyo hay’adaha caalamiga ah uga shaqeyn karaan sidii loo joojin lahaa colaadaha iyo tacaddiyada ka dhanka ah dadka Falastiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here