Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qaybgalaya Madasha Diblomaasiyadda Antalya 2025

0

Antalya, Turkiga – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Antalya ee dalka Turkiga, si uu uga qaybgalo meertada 4aad ee Madasha Diblomaasiyadda Antalya (Antalya Diplomacy Forum) oo lagu qabanayo sanadka 2025.

 

Madaxweynaha ayaa inta uu shirka socdo la filayaa in uu la yeesho kulamo-doceedyo muhiim ah qaar ka mid ah madaxda caalamka ee madasha ka qaybgalaysa. Kulamadan ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta xiriirka Soomaaliya la leedahay wadamada kale, gaar ahaan dhinacyada diblomaasiyadda, ganacsiga, iyo iskaashiga dhaqaale.

Madasha Diblomaasiyadda Antalya oo ah fagaare heer caalami ah, ayaa sanad walba isu keenta madax sare, wasiirro, diblomaasiyiin, iyo khubaro si ay uga wada hadlaan arrimaha muhiimka ah ee caalamka ka taagan iyo sidii xalal waara loogu heli lahaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in uu khudbad ka jeediyo madasha, taas oo uu ku caddeyn doono mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan arrimaha caalamiga ah iyo dadaallada dowladdu ugu jirto horumarinta siyaasadda arrimaha dibadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here