Doha, Qatar – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Axaddii gaaray magaalada Doha si uu uga qayb galo Shirka Degdegga ah ee Carabta iyo Islaamka oo la qorsheeyey inuu Isniinta Maanta ah furmo.
Markii uu ka degay Garoonka Caalamiga ah ee Hamad, Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa halkaas ku soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Qatar ahna Wasiirka Gaashaandhigga, Sheekh Saoud bin Abdulrahman bin Hassan Al-Thani, iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qatar, Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali.
Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cumar Cabdi, ayaa hore uga qeyb galay kulanka wasiirrada ee hordhaca u ahaa shirka madaxda, kaas oo diiradda lagu saaray weerarkii Israa’iil ku qaaday Qatar 9-kii Sebtembar, iyo baahida loo qabo midnimo Carbeed iyo Islaami ah oo looga jawaabayo xiisadda taagan.
Wasiirradu waxay sidoo kale ka doodeen qaraar horudhac ah oo la filayo in la ansixiyo inta lagu guda jiro shirka Isniinta.
Shirkan degdegga ah ayaa la filayaa inuu dejiyo mowqif mideysan oo goboleed oo ku aaddan weerarka, isagoo ka tarjumaya walaaca ay qabaan hoggaamiyeyaasha dalalka ka qeyb galaya arrinta ku saabsan amniga iyo xasilloonida guud ee gobolka.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubnaha wafdigiisa ayaa sidoo kale la filayaa inay yeeshaan kulan-doceedyo la xiriira madaxda iyo mas’uuliyiinta kale ee ka qayb galaya shirka, iyagoo diiradda saari doona arrimaha amniga iyo horumarka Soomaaliya.




