Arusha – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hassan Sheikh Mohamud, ayaa ka qeyb galay Meertada 25-aad ee Shir Madaxeedka caadiga ah ee Madaxda Bulshada Bariga Afrik, kaas oo lagu qabtay magaalada Arusha ee dalka Tanzania.
Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen hoggaamiyeyaasha dalalka xubnaha ka ah ururka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga gobolka, dardargelinta isdhexgalka dhaqaale iyo fududeynta ganacsiga xuduudaha ka gudba.
Madaxweyne Hassan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay madasha shirka ayaa soo bandhigay horumarka ay Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga, dib-u-habeynta dhaqaalaha, dimuqraadiyadda, dowlad-wanaagga iyo dadaallada lagu dhammaystirayo dastuurka dalka. Madaxweynaha ayaa sidoo kale muujiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga iyo isdhexgalka dalalka Bariga Afrika.
Intii uu shirku socday, waxaa madasha lagu dhaariyay garsoorayaal cusub oo ka tirsan Maxkamadda Caddaaladda ee Bulshada Bariga Afrika, waxaana ka mid noqday garsoore Soomaaliyeed Cabdiwaaxid Warsame Cabdullaahi, kaas oo Soomaaliya ku matali doona maxkamaddaasi.
Sidoo kale, shir madaxeedka ayaa lagu doortay Madaxweynaha Yoweri Museveni ee Uganda inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee shir madaxeedka EAC, isaga oo xilka kala wareegay Madaxweynaha William Ruto ee Kenya.
Shirkan ayaa la filayaa inuu door muhiim ah ka qaato xoojinta iskaashiga siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee dalalka ku mideysan Ururka Bulshada Bariga Afrika.





