Addis Ababa -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Hassan Sheikh Mohamud, ayaa ka qeyb galay Shirkii Labaad ee Talyaaniga iyo Afrika oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa, dalka Ethiopia. Madaxweynaha waxaa ku weheliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaam Cali, taas oo muujinaysa midnimada iyo wadajirka hoggaanka sare ee Soomaaliya ee dhinaca diblomaasiyadda.
Shirkan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo kobcinta xiriirka dhaqaale iyo istaraatiiji ee u dhexeeya Italy iyo dalalka Afrika. Qodobada laga dooday waxaa ka mid ahaa ganacsiga, maalgashiga, tamarta, kaabeyaasha dhaqaalaha, beeraha iyo hal-abuurka kuwaas oo ah tiirarka mudnaanta u leh qorshaha horumarineed ee Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caddeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay dhisidda iskaashi miro-dhal ah oo ku saleysan dan-wadaag, koboc waara iyo xoojinta xiriirrada istaraatiijiga ah ee ay la leedahay dalalka Yurub iyo qaaradda Afrika.







