Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeybgalay Shirka Davos

0

DAVOS [SMN] – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sugan magaalada Davos ee dalka Switzerland, halkaas oo uu kaga qeyb galayo Shirweynaha Dhaqaalaha Adduunka.

 

Madaxweynaha ayaa Shirka ka jeedindoona khudbad muhiim ah oo uu kaga hadlayo horumarka Soomaaliya, kobaca dhaqaalaha dalka iyo qorsheyaasha dowladda ee ku aaddan horumarka waara, iyada oo sare loo qaadayo iskaashiga ay Soomaaliya la leedahay dalalka muhiimka u ah horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Muddada Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ku suganyahay magaalada Davos, waxa uu guddoomi doonaa abaalmarinta Hoggaaminta Madaxweynimo ee Afrika, (Africa Presidential Leadership Award) taasi oo ku mutay dadaalkiisa hoggaamineed ee u hiilinta nabadda, xasilloonida iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shirar doceedyo la yeelan doona hoggaamiyeyaasha caalamka iyo daneeyeyaasha muhiimka ah ee Shirka ka qayb galaya, si loo xoojiyo iskaashiga caalamiga ah, loona dhiirrigeliyo maalgashiga Soomaaliya.

May be an image of 6 people, dais and text that says "WORLD ECONOMIC FQRUM Davos2025 2025 Davos AnnualMeeting Annual Meeting Wo ECO FO ECONOMIC WORLD CONOMIC FORUM ECONOMIC UM WORLD ECONOMIC FQRUM ECONOMIC CONOMIC WORLD WORLD FORUM ECONOMIC FORUM TiTL CЛ DUŠEK OHAMUD ECONIOMIC FORUM WORLD ECONOMI BJERDE"May be an image of 10 people, crowd and textMay be an image of 1 person and crowd

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here