Madaxweynaha Soomaaliya oo Kormeer Shaqo Ku Tagay Wasaaradda Gaashaandhigga

0

Muqdisho [SMN] – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

 

Madaxweynaha ayaa kulammo miro-dhal ah la yeeshay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, iyo hoggaanka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka. Kulammadaas ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee khawaarijta ah iyo sidii loo xoojin lahaa qorsheyaasha lagu xaqiijinayo amniga dalka.

Intii uu booqashada ku guda jiray, Madaxweynuhu waxa uu ka dhageystay hoggaanka Ciidamada Qaranka warbixinno faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda guud ee amniga, horumarka laga sameeyey dagaalka ka dhanka ah argagixisada, iyo qorshayaasha mustaqbalka ee lagu xoojinayo guulahaas.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed dadaalkooda geesinnimada iyo naf-hurida leh, isaga oo ballan qaaday in dowladda ay sii wadi doonto taageerada ay siiso ciidamada si loo xaqiijiyo nabad waarta oo ka hana qaada Soomaaliya.

Kormeerkan ayaa muujinaya sida ay uga go’an tahay madaxweynaha iyo dowladda Federaalka in ay dhiirrigeliyaan howlaha lagu sugayo amniga iyo dib u soo celinta nabadda dalka.

May be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 7 peopleMay be an image of 5 people and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here