Madaxweynaha Soomaaliya oo ku qaabilay Garsoore Cumar Cartan oo ku guuleystay abaalmarinta

0

MUQDISHO, 23 Nofembar 2025 — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Garsoore Cumar Cabduqaadir Cartan, kaasi oo ku guuleystay abaalmarinta Garsooraha ugu fiican Afrika ee sannadka 2025, abaalmarin uu siiyay Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF).

Madaxweynaha ayaa mar kale ugu hambalyeeyey Garsoore Cumar guusha taariikhiga ah, isaga oo tilmaamay in abaalmarintani ay muujinayso kartida iyo dadaalka uu geliyey kor u qaadidda xirfaddiisa.

Xasan Sheekh ayaa u rajeeyey in uu gaarsiiyo magaca Soomaaliya meel ka sareysa oo heer caalami ah.

Dhankiisa, Garsoore Cumar Cartan ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey soo dhoweynta iyo qaabilaadda wanaagsan, isagoo xusay in maamuuskan uu ku dhiirrigelinayo in uu sii wado dadaalkiisa ku aaddan matalaadda Soomaaliya ee fagaareyaasha caalamiga ah.

May be an image of daisMay be an image of suit and daisMay be an image of the Oval OfficeMay be an image of one or more people and people studyingMay be an image of dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here