Muqdisho – Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Marwo Sophie, Duchess of Edinburgh, oo ah xubin sare oo ka tirsan Qoyska Boqortooyada Ingiriiska.
Intii kulanku socday, Madaxweynaha iyo Marwo Sophie waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada waxbarashada iyo horumarinta bulshada. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay Marwo Sophie dadaalkeeda ku aaddan u qareemidda arrimaha haweenka iyo carruurta, isaga oo adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si gaar ah u dhiirrigeliso iskaashiga labada dal ee arrimahaas ku qotoma.
Dhankeeda, Marwo Sophie ayaa uga mahad celisay Madaxweynaha qaabilaadda diirran ee loo fidiyay iyada iyo wafdigeeda, iyadoo adkaysay sida Boqortooyada Ingiriiska ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee kala dhexeeya Soomaaliya.
Kulankan ayaa muujinaya himilada labada dal ee ku aaddan xiriir iskaashi oo joogto ah, gaar ahaan dhinacyada bulshada, waxbarashada, iyo taageeridda haweenka iyo carruurta.







