Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo Kulan La Qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

0

ADDIS ABABA, Itoobiya – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa, caasimadda dalka Itoobiya, halkaas oo uu kulan rasmi ah kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Ahmed.

 

Kulanka labada hoggaamiye ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo si gaar ah loo adkeeyay muhiimadda iskaashiga horumarineed ee ku dhisan deris-wanaag, is-ixtiraam, iyo danaha wadajirka ah, iyadoo la dhowrayo madax-bannaanida iyo midnimada dal kasta.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeeyay muhiimada xasilloonida gobolka iyo baahida loo qabo isku-duwidda dadaallada lagu cirib-tirayo argagixisada, isaga oo sheegay in Soomaaliya ay si buuxda uga go’an tahay inay door muuqda ka qaadato nabadda gobolka, daris-wanaagga iyo adkaynta xasilloonida guud ee Geeska Afrika.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya labada dal ee dariska ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here