Laasacaanood – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah odayaasha, isimmada iyo cuqaasha dhaqanka Dowlad-goboleedka Puntland, kuwaas oo uu hoggaaminayey Boqor Burhaan Boqor Muuse. Kulankan ayaa ka dhacay magaalada Laasacaanood, xilli ay isimmadu ka qayb-galayeen munaasabadda caleemo-saarka hoggaanka Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa hoggaanka dhaqanka ku adkeeyey muhiimadda ay leeyihiin doorkooda ku aaddan ilaalinta gobannimada iyo midnimada dalka, xoojinta nabadda, dowlad-dhiska iyo horumarka guud ee Soomaaliya. Sidoo kale, waxa uu ku bogaadiyey kaalinta taariikhiga ah ee ay ku leeyihiin isku haynta iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed.
Dhankooda, Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo isimmada kale ee kulanka ka qayb-galay ayaa Madaxweynaha ku ammaanay dadaalka uu geliyey dhismaha Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo dadaallada lagu daadajinayo nidaamka dowladnimo. Waxay sidoo kale muujiyeen dareenkooda waddaniyadeed iyo sida ay uga go’an tahay ka qayb-qaadashada nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta bulshada.
Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ka qayb-galay wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, saraakiil ciidan iyo siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanada Puntland.




