Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la yeeshay saraakiisha amniga + Ujeedka

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay qaar kamid ah saraakiisha hay’adaha amniga dowladda, isagoo kala hadlay arrimo ku saabsan amniga dalka iyo weerarkii Kuliyadda Jaalle Siyaad.

 

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya uu saraakiisha wax ka weydiiyay qaabka uu u dhacay qaraxii is-miidaamintii ahaa ee todobaadkii hore ka dhacay xeradaas.

Xogta ay heleyso Idaacadda Shabelle ayaa sidoo kale sheegeysa in madaxweynuhu faray saraakiisha inay qaadaan tallaabo deg-deg ah, ayna jawaab cad ka keenaan weerarka.

Weerarkii Kuliyadd Jaalle Siyaad oo ay mas’uuliywddiisa sheehatay Al-Shabaab ayaa waxaa fuliyay qof isku xiray walxaha qarxa, kaas oo gudaha u galay xerada, xilli ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 14 October ee fadhigoodu yahay magaallo xeebedka Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Ku dhowaad 30 askari ayaa la sheegay in lagu dilay weerarka, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 60 kale oo ku sugnaa xarunta la weeraray.

Arrintan ayaa sidoo kale waxa ay dhalisay tuhun xoogan, maadaama su’aallo laga keenay, sida ay Al-Shabaab ugu suuragashay inay gudaha u galaan Kuliyadda Jaalle siyaad oo ah xarun amnigeeda si weyn loo ilaaliyo, ayna ka fuliyaan weerar noocaas oo kale ah.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo xubnaha Golaha Wasiirada ayaa dhankooda cambaareeyay weerarkan, waxayna dalbadeen in la baaro qaabka ay wax u dhaceen, si gacanta loogu soo dhigo cidda ka dambeysay qaraxaas iyo kuwa u fududeeyay intaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here