Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay saaxiibada caalamiga ah

0

MUQDISHO – Wararka laga helayo ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu Isniintii shalay magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay saaxiibada caalamiga ah, iyagoo diiradda saaray arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin doorashooyinka 2026 ee hanaankooda lagu muransan yahay iyo amniga dalka.

 

Kulankan oo ahaa mid albaabada u xiran, ayaa yimid wax yar uun kadib markii madaxda Isbaheysiga Mucaaradka ay la yeesheen wakiillo ka tirsan beesha caalamka kulan kaas lamid ah. Labada kulan ayaa muujinaya in arrimaha doorashooyinka iyo xaaladda siyaasadeed ay noqdeen qodobbada ugu muhiimsan ee la isku khilaafsan yahay dalka Soomaaliya.

Intii uu socday kulankooda, mucaaradka ayaa cabasho ka muujiyay daah-furnaan la’aanta nidaamka doorashadda, ka-qaybgal la’aanta saamileyda si si dhameystiran miisaska go’aanada dalkalagu gaarayo, iyo burburka Gollaha Wadatashiga Qaran, wax ka bedelka dastuurka dalka.

Waxay si adag u cambaareeyeen dhismaha gudiga doorashadda oo ah mid la isku raacsanayn, iyagoo sidoo kale ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu si ula kac ah uga reebayo dowlad-goboleedyada muhiimka ah ee Puntland iyo Jubaland go’aannada waaweyn ee heer qaran.

Dhanka kale, mucaaradka ayaa si taxaddar leh u soo dhoweeyay baaqa Madaxweynaha ee ku aaddan qabashadda shirka qaran. Isbaheysigu wuxuu sheegay in guusha shirka qorshaysan ee dhici doona 15-ka June ay ku xirnaan doonto ajandiyaasha looga doodi doono iyo ka qeybgalka dhammaan qaybaha siyaasadeed ee muhiimka ah.

Mucaaradka ayaa sidoo kale digniin u diray Villa Somalia, iyagoo sheegay in madashu aysan noqonin mid uun loogu talagalay qurxinta sawirka dowladda, balse ay noqoto dadaal dhab ah oo wax looga qabanayo cabashooyinka jira, loogana badbaadinayo dalka inuu galo xasilooni-darro siyaasadeed iyo fowdo.Mucaaradka waxay ku dalbadeen beesha caalamka inay ku cadaadiyaan madaxda taladahaysa inay qabtaan doorasho waqtigeeda ku dhacda, xor iyo xalaal ah oo loo siman yahay.

Beesha caalamka ayaa si dhow ula socota xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka, iyagoo ku cadaadinaya dhinacyada inay yeeshaan kulanka mira-dhal ah 15-ka bishan oo ka tarjumaya danaha guud ee qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here