Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta dib ugu soo laabtay dalka

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib safaro shaqo uu ku tagay dalalka Norwey, Switzerland, Turkiga iyo Jabuuti.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa magaalada Oslo ee dalka Norway uga qeybgaley Madasha Nabadda ee Oslo , halkaas oo uu hadal ka jeediyay. Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha uu kulamo la yeeshay Boqorka iyo Ra’iisul Wasaaraha Norway.

Sidoo kale Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu dalka Switzerland uga qeybgaley shir caalami ah oo looga hadlayey colaadda u dhexeysa Ruushka iyo Ukraine.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn safarkiisa shaqo kusoo gabagabeeyay dalalka Turkiga iyo Jamhuuriyadda walaalaha nahay ee Jabuuti isagoo la kulmay madaxda labadaasi dal.

Liibaan Lugcad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here