Madaxweynaha Soomaaliya oo saxiixay sharciga dhismaha Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

0

Muqdisho, Diseember 10, 2025 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta saxiixay sharciga dhismaha Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, kaddib markii labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen xubnaha Guddigan.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismaha Guddigan uu muujinayo sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo karaamada muwaadiniinta, isaga oo bogaadiyey wada-shaqeynta dhow ee Baarlamaanka iyo Xukuumadda oo saldhig u noqotay hirgelinta sharcigan iyo hubinta waafaqsanaantiisa sharciga iyo diinta Islaamka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ammaanay Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka dadaalka ay ku hoggaamisay diyaarinta hannaanka sharci iyo farsamo ee suurta geliyay in la helo Guddigan, kaas oo lagu tilmaamay mid u diyaarsan gudashada waajibaadkiisa qaran.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga baryey xubnaha Guddiga in uu shaqadooda u fududeeyo, isagoo xusuusiyay masuuliyadda weyn ee laga sugayo ee ku aaddan ilaalinta xuquuqda aadanaha, kor u qaadidda caddaaladda, isla xisaabtanka iyo hufnaanta, si loo xoojiyo nidaam dowladnimo oo ku dhisan sharci iyo cadaalad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here