Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in Al-Shabaab xiriri la leedahay Xuutiyiinta Yemen

0

MUQDISHO [SMN] – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Al-Shabaab ay xiriir fiican la leedahay Xuutiyiinta Shiicada dalka Yemen, islamarkaana labada dhinaca tababarka iyo hubka is-dhaafsadaan, iyagoo khatar ku ah amniga Badda cas iyo gobolka Geeska Africa.

 

Madaxweynaha oo wareysi siiyay wargeyska Washington Post ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab uu weli socdo, islamarkaana caqabado badan dowladiisa kala kulmayso, inkastoo ay jiraan guulo muuqda oo laga gaaray tan iyo dib u doorashadiisa 2022.

Madaxweynaha ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay muddo 18 sano ah la dagaallamaysay Al-Shabaab, iyadoo ay adeegsanayaan awood milateri, xannibaado dhaqaale iyo xeelado kale oo dhinaca sirdoonka iyo taageero ka timaadda saaxiibada caalamiga ah.

“Al-Shabaab weli loogama guuleysan si buuxda, laakiin waxaan awoodnay inaan hoos u dhigno awoodooda, waxaana ka qabsannay meelo badan oo ay muddo dheer ka talinayeen,” ayuu yiri Madaxweynaha, isagoo ka hadlaya xaaladda dagaalka dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyay in dagaalka Al-Shabaab guulo deg deg ah laga gaaro ay adag tahay, isagoo u sababeeyay taasi in dowladda Soomaaliya ay la tacaalayso caqabado xagga awoodda Ciidanka iyo agabka ay ku dagaalamayaan. Si kastaba, Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidamadooda ay hadda dib u habeyn ku sameynayaan, isla markaana ay jiraan olole cusub oo socda oo lagu gaarsiinayo inay la wareegaan mas’uuliyadda amniga qaranka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ka jawaabay su’aal ku saabsan muhiimadda ay leedahay doorka dowladda Mareykanka ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo sheegay in Al-Shabaab ay xiriir la leeyihiin Al-Qaeda, ayna leeyihiin ajende caalami ah, taasoo Mareykanka ku qasabays inay ka qeyb-qaato dagaal gudaha Soomaaliya ka socda ee lagula jiro kooxda.

Wuxuu intaas ku daray in Al-Shabaab aysan Soomaaliya kaliya khatar ku ahayn, oo weeraro ka fuliso meelo ka baxsan dalka, taasoo ah sababta Mareykanka uu u taageerayo dowladda Federaalka oo tan iyo 2013 siiyay lacag gaareysa 1 bilyan oo dollar oo qaar xaaladaha bini’aadanimo loogu tala-galay.

“Mareykanka wuxuu naga taageerayaa dhanka sirdoonka, zaadka, taageerada duqeymaha cirka, tababarka Ciidamada kumaandooska, wuxuuna mararka qaar ka hortaggaa weerarada qaar ee Al-Shabaab ee ku wajahan ciidamadaheena. Si kastaba, ma jiraan askar Mareykan ah oo dagaal dhulka ku jira,” ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here