Madaxweynaha Soomaaliya oo si adag ugu jawaabay xubnaha mucaaradka

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabadda xuska 26-ka June ayaa ka hadlay xaaladda dalka, isaga oo u jawaabay xubnaha mucaadka ee kasoo horjeedo dowladdiisa.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marka hore weerar ku qaaday dadka dhaliila dowladdiisa, wuxuuna ku eedeeyay inay ka shaqeeyaan xumaanta iyo dib u dhaca dalka oo kaliya.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa xusay in qof kasta oo wax mucaaradaya looga baahan yahay in dhaliishiisu ay noqoto mid wax sixi karta, kuna saleysan xaaladda dhabta ah ee ka jirta dalka.

Hadalkaan ayaa kusoo aadayo, ayada oo si weyn madaxweynaha loogu dhaleeceeyay khudbad uu maalin kahor ka jeediyay Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho, taas oo uu ku sheegay in Itoobiya ay imaan karto xeebaha Soomaaliya, balse aysan qaadan karin baddeena, taas oo dad badan ay siyaabo kala duwan uga falceliyeen, maadaama ay weli taagan tahay xiisadda ka dhalatay heshiiska badda ee Abiy uu la galay Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here